Caro ka taagan Talyaaniga kadib falkii uu gaystay ninka Soomaaliga ah

Map Italy

Caro xooggan ayaa ka taagan dalka Talyaaniga kadib markii booliska ay xireen nin Soomaali ah oo toorey ku dhaawacay dhowr qof, magaalada waqooyi ee Rimini.

Afar haween ah iyo wiil lix sano jir ah ayaa lagu dhaawacay weerarka, oo dhacay habeennimadii Sabtida. Wiilka yar ayaa lagu warramay inuu xaalad halis ah ku sugan yahay, ayada oo dhaawaca uu ka gaaray qoorta. 

Tuhmanaha ayaa saarnaa bas isaga oo aan haysan tikit, wuxuuna weeraray laba qof oo ah dadka hubiya tikidhada. Wuxuu kadib ka cararay goobta, isaga oo saddex qof oo kale dhaawacay intii uu baxsadka ahaa.

Booliska ayaa goor dambe ku guuleystay inay ka daba-tagaan, oo ay xiraan.

Maxaa dhiiri-geliyey weerarka?

Dambi-baarayaasha ma rumeysna in sababta ninka ku dhiiri-gelisay weerarka ay tahay argagixisanimo, hase yeeshee waxay la tahay inuu daroogo cabsanaa markii uu weerarka gaysanayey.

Soomaaligan ayaa Talyaaniga ka codsaday magan-galyo, wuxuuna sida la sheegay deganaa goob ay maamusho hay’adda Laanqeyrta Cas oo ku taalla magaalada Ramini.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Talyaaniga ee ANSA, tuhmanaha ayaa ku noolaa Yurub tan iyo 2015-kii, waxaana horey sharci looga soo diiday dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan Denmark, Sweden, Germany iyo Netherlands.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la haysto

Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga Luciana Lamorgese ayaa shalay la kulantay mas’uuliyiinta magaalada Ramini, si ay ugala hadasho dhacdadan. Waxay dambigan ugu yeertay “Dhacdo aad halis u ah.”

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay caro xooggan, oo ay hurinayaan kooxaha siyaasadda midigta-fog, oo uga faa’iideysanaya inay sii kordhiyaan soo-galooti naceybka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Talyaaniga, ahna hoggaamiyaha xisbiga midigta ee Lega Nord Matteo Salvini ayaa ku cambaareeyey Lamorgese weerarka, wuxuuna ku baaqay xakameyn adag oo lagu soo rogo soo-galootiga.

“Wasiir Lamorgese, imisa dhibane oo kale ayey tahay inaan xisaabino kahor inta aysan Italia noqon dal ammaan ah?,” ayuu ku yiri qoraal uu dhigay twitter-ka.

Arrimaha socdaalka ayaa Talyaaniga ka ah mowduuc aad u kulul, waxayna tani hurin kartaa naceyb hor leh oo loo qaado muhaajiriinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here