China oo wacad ku martay inay aargudan doonto shirkado Mareykanka ku daray liiska madow

Zhao Lijian china

China ayaa maanta wacad ku martay inay aargudan doonto, waxayna sheegtay inay “si xooggan uga soo horjeeddo” in 23 shirkadood oo dalkaas laga leeyahay lagu daro liiska madow ee dhaqaalaha ee Mareykanka, sababo la xiriira tuhunno xadgudubyo xuquuqda aadanaha iyo xiriiro militari.

Wasaaradda Ganacsiga Shiinaha ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ku daritaanka hay’adahan ee liiska “ay tahay xadgudub weyn oo lagu sameeyey xeerarka caalamiga ah ee ganacsiga iyo dhaqaalaha” iyo “caburin aan sabab laheyn” oo lagu sameeyey shirkadaha Shiinaha.

Beijing “waxay qaadi doontaa tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u ilaaliso xuquuqda sharciga ah iyo danaha Shiinaha,” ayey tiri wasaaradda, sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay.

Wasaaradda Ganacsiga Mareykanka ayaa Jimcihii 14 shirkadood iyo hay’ado kale ku dartay liiska madow ee dhaqaalaha, ayada oo sheegtay “inay ku lug leeyihiin xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, iyo fulinta ololaha Shiinaha ee caburinta, wadar xabiska iyo ilaalo ka haynta qowmiyadaha Uyghurs, Kazakhs iyo xubnaha kale ee muslimiinta laga tirada badan yahay ee gobolka Xinjiang.”

Beijing waa ay beenisay eedeymahan xadgudubyo.

Shirkadaha lagu daro liiska madow ayaa badanaa waxaa looga baahan yahay inay ruqsad weydiistaan Wasaaradda Ganacsiga, waxayna wajahaan baaritaan dheer marka ay doonayaan fasax ay qalab kaga iibsadaan shirkadaha Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here