Ciidaamada Xoogga DF oo shaacisay in la dilay Maxamed Cabdi Toosoow

astaanta ciidanka Xoogga Dalka

Militariga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamo gaar ah oo ka tirsan xoogga dalka ay degaanka Daarusalaam oo hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dileen horjooge Maxamed Cabdi Suubiye, oo loo yaqaan Toosoow, oo ka tirsanaa madaxda sar sare ee kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusu Raage ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in Toosow lagu dilay howlgal qorsheysan oo ay ciidamada ka fuliyeen aagga Masaajid Cali Gaduud.

Jeneral Odowaa ma shaacin xilka uu Maxamed Cabdi Suubiye Toosoow ka hayey kooxda Al-Shabaab.

Dilka Toosoow ayaa yimid maalin kadib markii Ciidanka Xoogga Dalka ay 15 ka tirsan Al-Shabaab ku dileen howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Tuula-Xaayow iyo Ceel-dheere oo jihada koonfureed kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada dowladda ayaa dhowaanahan dagaallo culus Al-Shabaab kula jiray gobolka Shabeellaha Dhexe, ayada oo qorshaha uu yahay in degaamadaas lagala wareego Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here