Ciidamada Amniga oo la wareegay xarumihii Shirkadda Forex ee Muqdisho

muqdisho no4

Ciidamada Booliska ayaa la wareegay xarumaha Shirkadaha Forex ku leeyihiin magaalada Muqdisho, kaddib amarkii shalay ka soo baxay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ee ahaa in la xiro dhammaan xisaabaadka Shirkadahaas ku leeyihiin Bankiyada gaarka loo leeyahay.

Ciidamada ayaa ku amray dadka ku sugnaa xarumahaas in aysan ka qaadan karin wax lacag ama agab, waxaana tani ay walwal ku keentay dadkii ay lacagaha u taallay xarumahaas ee ka shaqeeya sarifka lacagaha online-ka

Amarka oo ka soo baxay Guddoonka sare ee Maamulka Bankiga Dhexe ayaa lagu sheegay in qaraar lambarkiisa yahay 43/G, kaasoo lagu farayo in sida ugu dhaqsiyaha badan Bankiyada gaarka loo leeyahay ay ku xiraan dhammaan xisaabaadka (Bank Accounts) ee Ganacsatada iibiya lacagaha qalaad ee suuqyada caalamiga ah Forex Trading uga furan bankiyada.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta la hadlay VOA ayaa sheegay inay soo gaartay cabashooyin ka dhan ah shirkadahan oo ay soo gudbiyeen shacabka.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa usoo xoogeystay dadka ka cabanaya in loo been sheegay, iyadoo lacago badan looga qaatay inay helayaan faa’iido xad dhaaf ah, balse markii dambe aysan dhicin, sida uu sheegay guddoomiyaha.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in aysan jirin wax ogolaansho ah oo Bankiga uu u siiyey shirkadahan inay ka ganacsadaan sarrifka lacagaha, taasi oo ah shaqada Bankiga Dhexe inuu la socdo.

Tan iyo markii uu so shaac-baxay amarka lagu xiray xisaabaadka shirkadaha Forex-ka, ee uu soo saaray Bankiga Dhexe, ayaa dadweyne badan oo ay lacago u yaalaan goobaha lagala wareegay waxay billaabeen inay deg deg ku gaaraan xarumaha, si ay lacagahooda ula baxaan.

Ganacsiga Forex ayaa horey loo sheegay inuusan bannaaneyn diin ahaan, sida ay fatwoodeen qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed.

Culimada oo isugu timid masjidka Abuu Hureyra ee magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay xukunka dhinaca diinta ee dadka islaamka ah kaga aadan shirkaddahan ay sheegeen iney ku shaqeystan sarifka Online-ka ee Forex, waxaana ay tilmaameen inuu yahay ganacsi ku dahaaran ‘been abuur iyo ribo’ iyagoo u soo qaatay Axaadiith iyo Aayado ka mid ah Quraanka Kariimka.

Culimada waxay kaloo cadeeyeen inay xaaraan cad tahay ku ganacsiga iyo ka mid noqoshada ganacsigaas maadaama uu ganacsigaas iyo qofka ku jiro uu lugaha la galayo ribo, isla markaana diinta islaamka ay xukun cad ka dejisay ribada, sida ay hadalka u dhigeen.

Ka sokow xagga sharciga diinta, dhibaatada sarifka Online-ka ayaa waxaa ka mid ah in dad badan lacagta lagala goosto.

Sanadihii la soo dhaafay, waxaa dadka Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan Somaliland iyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya u soo wajahay arrimo la mid ah kuwa ay hada wajahayaan dadka kunool koofurta Soomaaliya, iyada oo ay dhaceen ganacso isugu jirtay Hindi iyo Soomaali.

Dadkan ayaa ayaa la sheegayaa inay dhaceen shirkado lacag kaga uruuriyay lacago, oo u sheegtay in ay lacag faa’iido badan ah helayaan bishiiba, kadibna ugu dambeyn ay kala goosteen lacagahoodi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here