Ciidamada Danab oo howlgal ku dilay Sheekh Maxamed Gacamey iyo ilaaladiisa

danab kumandoos

Howlgal ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe oo ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka ee Danab ayaa lagu dilay sarkaal sare iyo dagaalamayaal la socday oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida lagu sheegay war ay baahisay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Suleeymaan (Gacamey) oo ahaa madixii Maktabka Dacwada gobolka Shabeellada Dhexe ee Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgalkaas.

Sidoo kale seddax dagaalame oo ilaalo u ahaa sarkaalka la dilay ayey dileen ciidamada dowladda Soomaaliya, sida lagu sheegay warkan.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan, isla markaana ay fuliyeen ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa ka dhacay deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa marar badan sheegay inay howlagllo qorsheysan ku dileen xubno sar-sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, balse badanaa sooma bandhigaan xog ka badan magacyada iyo darajada ragga ay dileen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here