CIIDAMADA DARAAWIISHTA PUNTLAND OO DIB ULA WAREEGAY DEGAANKA AF-URUR

ciidamada pis puntland

Cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland oo aad u hubaysan ayaa dib ula wareegay tuulada Af-Urur ee gobolka Bari sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan.

Tuulada Af-Urur oo ciidamada Daraawiishta Puntland ay ka baxeen todobaadkii hore ayaa waxaa maalmo kadib qabsaday malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab balse ciidamada ayaa mar kale dib ula wareegay.

Malayshiyaadkii Al-shabaab ayaa sida la sheegayo ku laabtay buuraleyda dhanka waqooyi ka xigta tuulada Af-Urur oo ay markii hore ka soo baxeen.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.