Ciidamada DF oo dagaal culus kula wareegtay Bacaadweyn

ciidanka xoga1

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas laga saaray maleeshiyadii ka tirsaneyd kooxda Al-Shabaab ee saaka aroortii hore soo weerartay gudaha magaalada iyo taliska qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga.

Dagaalka oo muddo socday, islamarkaana ku billowday qaraxyo ayaa waxaa kooxda Al-Shabaab u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan inta badan magaalada iyo saldhiggii ay daganaayeen ciidamada 21-aad ee xoogga dalka.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa gacanta ku dhigtay 4 gaari oo kuwa dagaalka ah oo laba kamid ah ay saarnaayeen qoriga suugga.

Saacado kadib waxaa magaalada iyo banaankeeda ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeyey dadka deegaanka Bacaadweyne, ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo isku dhinac ah iyo maleeshiyadii ka tirsaneyd Al-Shabaab taasoo keentay in ugu dambeyn laga adkaado Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Sida ay dadka deegaanku ay xaqiijiyeen, dagaalkii labaad ee ka qarxay magaalada ayaa waxaa lagu dilay ku dhawaad 25 ka tirsan Al-Shabaab-kii weerarka soo qaaday, waxaana dadka deegaanka u suurtagashay inay dib usoo celshaan laba kamid ah gawaaridii ay Maleeshiyada Al-Shabaab weerarkii koowaad ku qabsatay.

Sidoo kale, dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in gacanta lagu dhigay 4 ka mid ah maleeshiyadii ka tirsaneyd Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday oo 3 kamid ah ay yihiin dhaawac aad u daran.

Waxaa baraha bulshada lagu faafiyey sawirada dagaalamayaashii ka tirsanaa Al-Shabaab ee lagu laayey dagaalka iyo mid kamid ah kuwii gacanta lagu dhigay iyagoo nool oo la sheegay inuu ahaa horjoogihii Al-Shabaab ee dagaalka Maanta dhacay.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa weerarka ay aroortii hore soo qaaday ku dishay illaa 6 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugnaa gudaha saldhigga 21-aad, waxayna dadka deegaanka xaqiijiyeen in 4 kamid ah 6-da askari ee la dilay la gowracay.

Waxaa hadda dagan xaaladda magaalada Bacaadweyne, waxaana goobihii lagu dagaalamay dib u qabsaday ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helayo ciidamo u abaabulan hab beeleed oo ku sugan gudaha Magaalada.

Weerarkaan ayaa wuxuu kusoo aadayo xilli Gobollada Mudug iyo Galmudug uu todobaadyadii lasoo dhaafay ka socday dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ay kala sameynayeen Ciidamada DFS gaar ahaan qaybta 21-aad, askarta Galmudug & Al-Shabaab.

21-kii June 2020, Al-Shabaab ayaa weerar ay u adeegsatay gaari walxaha qarxa ay kusoo rartay ku weerartay xeradaan, balse taliska qaybta 21-aad ayaa sheegay xiligaas in uusan khasaare gaarsiin qaraxaas, isla markaana ciidamada ay toogteen wadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here