Ciidamada DF oo joojiyey kulan lagu taageeri lahaa musharax Mustaf Dhuxulow

Mustaf Dhuxulow

Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow oo caawa ah joojiyey xaflad lagu taageerayay Musharax Madaxweyne Mustaf Dhuxulow oo lagu qaban lahaa Hotelka Afriik oo ku yaalla agagaarka Isgoyska KM4.

Musharax Mustaf Dhuxulow ayaa xaqiijiyey in kulanka ay ciidamada dowladda amreen in la joojiyo waxyar un kahor markii uu billaaban lahaa, ayada oo ay qaban qaabadiisa ay socotay tan iyo shalay.

Mustaf Dhuxulow ayaa ku eedeeyay Ciidanka Nabad-Sugidda Qaranka inay ka dambeeyeen ishortaagga lagu sameeyay kulankaas, wuxuuna intaas ku daray in amarka uu bixiyay Taliska NabadSugidda.

Kulanka la baajiyey ayaa imanaya ayada oo sidoo kale ciidamada dowladda maanta lagu hareereeyey xaafadaha degan yihiin musharaxiinta mucaaradka ee ku dhow agagaarka garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

https://www.facebook.com/watch/?v=397062701520720

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here