Ciidamada DF oo sheegay inay gobolka Shabeellada hoose ku dileen xubno Al-shabaab ka tirsan

ciidamada xooga

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellada hoose ayaa laga soo xigtay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen xubno ka tirsan ururka Al-shabaab sidoo kalena ay ka qabsadeen hub iyo saanad ciidan.

Wakaaladda Wararka SONNA oo xiganaysa saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegtay in hawlgalkaasi oo ka dhacay degaannada Dhanaane iyo Gendershe ee Shabeellada hoose in Al-shabaab looga dilay ilaa 7 xubnood islamarkaana looga qabsaday hub iyo rasaas kala duwan.

Taliye kuxigeenka qeybta 12-ka April ee ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Aadan Xaashi ayaa wakaaladdu ka soo xigatay in hawlgalkan la qaaday kadib markii laga war helay goobo cayiman oo Al-shabaab kaga dhuulaamaysanayan degaannada Dhanaane iyo Gendershe.

Howlgalada waxaa ay ka dheceen Dhanaane iyo Gendershe waxaan ku dilnay 7 ka tirsan argagixisada hubna waan ka furanay waxay isugu jiraanm AK 47 BKM Sabanno iyo rasaas badan oo ay dadka ku dhibaateynayeen” Ayuu yiri Xasan Aadan Xaashi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here