Ciidamada DF Soomaaliya oo qabtay lacago been abuur ah iyo dadkii watay

dollar

Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa xalay lagu qabtay lacago badan oo been abuur ah.

Ciidanka amaanka dowladda Soomaaliya ee ka howlgala degmada Guriceel ayaa soo bandhigay lacago ay ku sheegeen kuwo been abuur ah iyo dadkii watay.

Lacagta ay soo qabteen ciidamadu ayaa la sheegay inay iskugu jirto Dollar iyo shilin Soomaali, waxayna dadka watay ee lagu soo qabtay ka yimaadeen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, sida ay sheegeen dadka reer Guriceel.

Hey’adaha amaanka degmada Guriceel ayaa sheegay in lacagahaas lagu dhacay ganacsato ku nool deegaano badan oo ka tirsan Galmudug, in mudo ahna lagu raad joogay dadka la qabtay.

Sidoo kale waxay shaaciyeen in dad kale oo wata lacago been abuur ah ay ku dhex dhuumaaleysanayaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, kuwaas oo ciidamada amaanku ay ku howlanyihiin sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here