Ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya oo dhaq-dhaqaaqyo ciidan kawada Gobolka Gedo

sagootin ciidan1

Degmooyinka Doolow iyo Baladxaawo waxaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan kawada Ciidamada Soomaaliya iyo Ciidamo dhawaan Itoobiya ka soo gudbay, kuwaas oo la sheegay inay isugu jireen Itoobiyaan iyo Soomaali tababar ku soo dhameystay dalka Eritrea.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidankaan ay yihiin dhalinyaro sanadkii hore loo qaaday dalka Eritrea islamarkaana ay hada soo dhameesteen tababarkìi waxaana lagu soo dhax daray askar Itoobiyaan ah.

Sababta ay ciidanka Itoobiya usoo raaceen ayaa lagu sheegay in ciidankaasi ay wataan hub culus oo ay mamnuuc tahay in Soomaaliya soo iibsato ama loogu deeqo maadaama ay saaran tahay cunaqabatayn dhanka hubka ah.

Ciidamadaan oo aan lahayn tiradooda rasmiga ah waxa ay todobaadkaan kasoo gudbeen Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana ay wataan Gaadiid iyo hub culus sida Taangiyo iyo Gawaarida Xamuulka ah.

Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda waxa ay Warbaahinta u sheegeen in Ciidamada Huwanta ah ay doonayaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Degmooyin katirsan Gobolka Jubada Dhexe oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here