Ciidamada Dowladda oo howlgal gaar ah ka fuliyey Beled-Xaawo

beledxaawo

Ciidanka Booliska gaarka ah ee haramcad ayaa saaka howlgallo ka sameeyey Magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo oo ay horey ula wareegeen Ciidanka dowladda.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa waxaa ay shegeen in howlgalka uu salka ku haayo sidii Ciidamadu ay uga hortegi lahaayeen waxyaabaha Soomaaliya kasoo galaya dhanka Xaduudka Kenya sida jaadka iyo waxyaabo kale.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Beled-Xaawo ayaa Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho waxaa ay u sheegeen in Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ay howlgalka sigaar ah uga wadaan daafadaha Magaalada Beled-Xaawo.

Xaalada degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa degan tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay ku Ciidamada Soomaaliya la wareegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here