CIIDAMADA HARAMCAD OO LA WAREEGAY HAWLGALKA HOTEEL XAYAAT

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdsiho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya inuu weli socdo howlgalka ka socday Hotel Xayaat oo ay gudaha u galeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Hoteelka laga saaray ciidamadii Alpha Group ee illaa xalay halkaas ka dagaalamayey, waxaana lagu beddalay kuwa ka tirsan ciidamada booliska Haramcad.

Ciidamada Haramcad oo aad u badan oo uu hoggaaminayo Farxaan Qaroole ayaa gudaha Hotelka galay, waxaana hadda socoto rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayaan ciidamada Haramcad iyo kuwa Al-Shabaab.

Howlgalkaan oo qaatay saacado badan ayaa soo bilowday xalay markii ay kooxda Al-Shabaab hotelka ku qabsadeen weerar ku bilowday qaraxyo is qarxin ah oo gaarayo illaa 3 qarax.

Meydad hor leh ayaa laga soo saaray gudaha Hotelka, waxaana jiro burbur xoog leh oo gaaray Hotelka iyo guryaha u dhow dhow.

Khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkan, waxayna dhimashadu ku dhowdahay illaa 20, halka uu dhaawacu kor usii dhaafayo 40.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here