CIIDAMADA ITOOBIYA DRONES U ADEEGSADAY FALAAGADA TIGRAYGA

ciidamada tigray

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay duqeyn cusub oo ka dhacday caasimadda gobolka Tigray maanta, waxaa sidaas sheegay isbitaalka ugu weyn magaalada.

“Waxaa dhacay weerar drone ah saaka qiyaastii 5:30 am. Nin 60 jir ahaa ayaa lagu dilay,” waxaa sidaas yiri Kibrom Gebreselassie oo ah sarkaal sare oo ka tirsan isbitalka Ayder Referral Hospital, oo isaga oo Mekelle jooga qoraal usoo diray wakaaladda wararka AFP.

“Meydka hal qof ayaa la keenay isbitaalka Ayder kadib weerar drone ah oo ka dhacay magaalada Mekelle, aagga Desta Hotel,” waxaa sidaas twitter-ka kusoo qoray isbitalka.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in 17 qof lagu dilay duqeymo ka dhacay gobolka Tigray tan iyo markii uu dagaalka dib u qarxay bil ka hor.

Dagaalka oo dib u billowday 24-kii August ayaa meesha ka saaray xabad-joojin jirtay illaa bishii March, wuxuuna meesha ka saaray in si nabdoon loo xaliyo dagaalka labada sano u dhaxeeya dowladda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo kooxda TPLF.

Mas’uuliyiinta Tigray ayaa bishan ku dhowaaqay inay diyaar u yihiin wadahadallo uu dhex-dhexaadiyo ururka Midowga Afrika, taasi oo meesha ka saartay caqabad muddo hortaagneyd wadaxaajoodka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here