Ciidamada Itoobiya oo la wareegay magaalooyin u dhow caasimada Tigray ee Makelle

ciidamada tigray

 Ciidamada milatariga Itoobiya ee howlgalka ka wada waqooyiga dalkaasi ayaa guullo ka sheegtay dagaalka ka socda gobolka Tigray.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada federaalka oo lagu magacaabo, Janaraal Hassan Ibrahim ayaa wakaalada wararka wadanka Itoobiya u sheegay inay 50 KM u jiraan caasimadda Tigray ee Mekelle, islamarkaana ay la wareegeen magaallooyin u dhow.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidanka ka duulay dhanka Adwa ay qabsadeen magaalooyinka Hawzen, Abraha Weatsbeha ilaa Wukro, halka ciidanka ka baxay dhanka  Adigrat ay iyaguna la wareegeen gacan ku heynta magaalooyinka Senkata iyo Al-Najashi.

Sarkaalkan oo hadalka sii wata ayaa ku goodiyey inay gudaha u gali doonaan magaalada Mekelle oo xudun u ah dagaalka u dhexeeya dowladda Itoobiya iyo jabhadda TPLF.

Dhinaca ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa ku gacan seeray dadaallo ay wadeen ergo ka socotay Midowga Afrika oo dooneysay in wada-hadal lagu dhameeyo xiisadaasi.

Xaaladda Itoobiya ayaa ah mid aad u adag, waxaana dagaallada ka socda dalkaasi ku dhintay boqolaal qof, halka ay ku barakaceen kumanaan kale oo ka qaxay dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here