Ciidamada Khaliifa Xaftar oo ka baxay qeybo ka mid ah Tripoli xilli ay guul-darrooyin ku socdaan

Khalifa Haftar

Ciidamada dagaal-ooge Khaliifa Xaftar ayaa xalay isaga baxay qeybo ka mid ah magaalada Tripoli kadib markii shalay laga qabsaday saldhig weyn oo muhiim u ahaa oo ku yaalla galbeedka Libya, taasi oo waxyeello weyn u gaysatay isku day sanad socoday oo ay doonayeen inay qabsadaan caasimadda.

Afhayeen u hadlay ciidamada Xaftar, Ahmed al-Mismari ayaa sheegay in ciidamada ay sameeyeen wax uu ugu yeeray “dib isu-qaabeyn iyo isu-qeybin la xiriirta dagaalka, ayaga oo ka baxay meelaha dadku ku badan yihiin.”

Ciidamada Xaftar ayaa sanad waday dagaal ay ku doonayaan inay ku qabsadaan caasimadda Libya ee Tripoli oo xarun u ah dowladda caalamku aqoonsan yahay, ee taageerada militari ka heleysa Turkey.

Dagaal-ooge Khalifa Xaftar ayaa waxaa taageera Imaaraadka Carabta, Masar iyi Ruushka.

Isniintii, Ciidamada dowladda caalamku aqoonsna yahay ee Libya ayaa saldhigga muhiimka ee ciidamada cirka ee al-Watiya ka qabsaday maleeshiyada Khalifa Xaftar.

Kadib markii ay saldhigga qabsadeen, ciidamada ayaa ku dul dabaal degay wax ay ku sheegeen inuu yahay habka difaaca gantaallada ee Pantsir oo Ruushka ay siiyeen Khalifa Xaftar.

Hase yeeshee Mismari ayaa sheegay inay saldhigga uga baxeen go’aan muddo la qorsheynayey oo xeelad dagaal ah, islamarkaana ay uga tageen kaliya qalabka aan loo baahneyn.

Wasiirka arrimaha gudaha Libya Fathi Bashagha ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “Fursadaha guul ee Xaftar iminka waa eber, kadib markii uu lumiyey saldhigga al-Watiya.”

Maleeshiyada Xaftar ayaa saldhigga kasoo qaadi jiray weerar dhanka cirka ah oo ay ku beegsan jireen goobo badan oo ciidamada dowladda ay kaga sugnaayeen galbeedka, taasi oo hadda meesha ka baxeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here