Ciidamada Nabad-Sugidda oo xiray ganacsato u tegay lana soo shiray Al-Shabab

0
NISA

Ciidamada nabad sugida Soomaaliya ee ka howl-gala Beledxaawo ayaa lagu soo warramayaa inay xabsiga dhigeen ganacsato la sheegay inay u tageen dagaalyahanada dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in ganacsatadaasi ay Al-Shabaab ugu tageen deegaanka Ceel-Cadde, islamarkaana ay kula soo shireen, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Mid ka mid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marka ku soo laabteen Beledxaawo la xiray ganacsatadaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay Al-Shabaab u aadeen ganacsatado gaadiid uu sheegay in laga heysto, si ay dib ugu soo ceshtaan.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo ay laamaha ammaanku ka bixiyeen xarigga lagula dhaqaaqay ganacsatadaas oo caan ka ah gobolka Gedo.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ka digtay in loo cadaalad doonto Al-Shabaab ama lala macaamilo, iyada oo ay jiraan dad horey loogu xiray inay u tageen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here