Ciidamada NISA oo howlgallo culus ka bilaabay Beledxaawo

beledxaawo

Ciidamada nabad-sugida Soomaaliya ayaa howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Howl-gallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka wadaan xaafado dhowr ah oo ka tirsan gudaha degmadaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa baaris ku bilaabay gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo dadka la socda, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Taliyaha ciidamada nabad-sugida ee degmada Beledxaawo, Cabduqaadir Xuseen Ibraahim ayaa ka warbixiyey howl-galladaasi, wuxuuna sheegay in u jeedkooda uu yahay mid looga hortagayo falal amni darro oo suurtagal ay tahay in laga fuliyo halkaasi.

Cabduqaadir Xuseen ayaa sidoo kale dalbaday dadka shacabka ah inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago wax kasta oio qatar ku ah nabad-gelyada.

Muddooyiinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka waday degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here