Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo hubka culus isku weydaarsaday degaanka Tukaraq

puntland iyo somaliland

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa maanta oo Sabtiya hub culus isku weydaarsaday degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Goob-joogayaal ku sugan Tukaraq ayaa xaqiijiyay in gelinkii hore ee Sabtida ay dhawaqa hubka culus ka maqleen jiidda u dhexaysa labada ciidan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo diiday in la xigto ayaa iyana xaqiijiyay in ay jawaab ka bixiyeen Rasaas xooggan oo laga soo riday dhanka Somaliland.

Saraakiisha Puntland ayaa sidoo kale xusay in aysan jirin wax khasaare oo dhankooda ka soo gaaray Rasaasta laga soo riday dhinaca Somaliland.

Ciidamada labada dhinac ayaa horay dhawr jeer ugu dagaallamay degaankaasi Tukaraq ee gobolka Sool waxaana mararka qaar halkaasi ka dhaca iska hor-imaadyo kooban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here