Ciidamada Somaliya oo sheegtay in ay dileen xubno Ajaanib ah oo ka tirsanaa Al-shabaab

ciidamada somalia

Ciidanka Kumaandoosta Somalia oo taageero ka helaya ciidamada Mareykan ayaa Hawl-galo qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan deegaanno hoos-yimaada Janaale.

Deegaannada hawl-galka laga fuliyay ayaa waxay kala yihiin; Baladul-amiin iyo Hanti-wadaag, waxaana saraakiisha ciidamadu ay sheegeen inay halkaas ku burburiyeen saldhigyo ay Al-shabaab lahayd, ayna dileen saraakiil ajnabi ah oo ka tisranaa kooxda iyo kuwo Soomaali ah.

“Saldhigyadan waxaan ku dilnay ku dhawaad 85 xubnood oo Al-shabaab ka tirsan, kuwasoo ay ku jireen saraakiil isugu jiray Somali iyo ajaabin ka bar-bar dagaalami jiray Al-shabaab,” ayay saraakiisha kumaandoosta Somalia u sheegeen warbaahinta.

Xubnaha Ajaanibta ah ee Al-shabaab ka tirsanaa ee hawlgalkan lagu dilay ayey saraakiisha kumaandoosta Somalia ku sheegeen magacyadooda; Abuu Xamsa Bin Shaam oo u dhashay Masar, kaasoo u qaabilsanaa tababbarrada, Aweys Abu Xamza Almifsali oo  u dahshay dalka Tanzania, Abu Bilaal Zubeyr oo haysta dhalashada Mauritania, horay u soo noqday ku xigeenka Ibraahim Afgan, Aadan Abuu Musiyaan oo u dashay Suuriya iyo Feysal Bin hayaan oo u dhashay dalka Yaman.

Dhanka kale, Saraakiisha ciidamada gaarka ah ee Somalia ayaa sheegay in saldhigyada ay weerarka la beegsadeen ay ahaayeen xarumo lagu tababaro xoogagga Al-shabaab, isla markaana weerarada laga soo abaabuli jiray.

Ururka Al-shabaab ayaan weli ka hadlin hadalka kasoo baxay kumaandoosta Somalia ee ah in la dilay tiro ka tirsanaa xoogaggooda oo ajaanib iyo Somali isugu jiray.

Ugu dambeyn, Al-shabaab oo ka tirsan deegaanno ballaaran oo ku yaalla Koonfurta Somalia ayaa dhawr jeer oo hore weerarro noocan oo kale ah lagula beegsaday deegaannadooda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.