Ciidamada Soomaaliya oo howlgalo ka fuliyey deegaano hoostaga degmada Balcad

Ciidamada gorgor

Ciidamada xooga dalka ayaa howl-galo qorsheysan ka fuliyay saacadihii lasoo dhaafay deegaano badan oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkan ayaa xoogiisu waxa uu ka dhacay Walamooy, Xaansholey, Basra, iyo daniga Baaloow, waxaana lagu baacsanayey xubno ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanadaas.

Ciidamada ayaa howlgalkan ku burburiyey fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, sida uu sheegay Taliye Cabdullaahi Mustafe Cali, oo hogaaminayay howlgalka ciidamada.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadu ay ku guuleysteen inay dhibaatada Shabaab ka dul qaadan dadkii ku noola deegaanadaas, kuwaasi oo dhib badan kala kulmi jiray dagaalyahanada kooxdaas, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadka deegaanada howlgalka laga sameeyay waxay ahaayeen kuwo u dhibanaa Al-Shabaab, dadka deegaankuna aad bey ugu farxeen ciidamada dowladda ee deegaanadooda howl-galka ku tegay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu balan qaaday inay howlgaladaas sii soconayaan ilaa inta Shabaab laga saarayo deegaanada hoostaga Balcad, kuwaasi oo qaarkood ay gacanta ku hayaan.

Ciidamada dowladda ayaa inta badan fuliya howlgalo lagu beegsanayo dagaalyahanada Shabaab, waxayna ka sheegataa howl-galadaas guulo hor leh, oo inta badan aysan ka jawaabin kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here