Ciidamada Soomaaliya oo la wareegay deegaano weeraro laga soo abaabulayey

Ciidanka xoogga

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose oo ku yaalla koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda dhaq dhaqaaq xoogan ay ka wadaan duleedka deegaanka Janaale ee gobolkaasi.

Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ka dhan ah Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidanku ay ku gaareen tuulooyin hoostaga deegaankaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga dalka ayaa warbaahinta u sheegay inay la wareegeen illaa shan tuulo oo ay ka mid yihiin Buulo-Urunji, Malable, Siigaale, iyo Busley

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgalladan u jeedkooda uu ahaa sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab ay ka soo abaabulaan halkaasi.

Ugu dambeyn saraakiisha hadashay ayaa shaaciyey in howlgalkaan uu yimid, kadib markii ay ka war-heleen weeraro ay deegaanadaasi ka soo abaabulayeen Al-Shabaab

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo milatari laga dareemayo deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Janaale oo dhowaan ay la wareegtay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa inta badan weerar gaadma ah ku qaada dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here