Ciidamada Tigray-ga oo qabsaday magaalooyin kale iyo wararkii ugu dambeeyey dagaalka

ciidamada tigray

Xoogagga Tigrayga ayaa Talaadadii qabsaday dhul kale oo ka tirsan gobolkaas, maalin kadib markii ay la wareegen gacan ku haynta magaalada caasimadda ah ee Mekelle, halkaas oo ay ka carareen ciidankii iyo maamulkii taageersanaa Abiy Ahmed. 

Guulaha militari ee mucaaradka iyo hadalladooda adag ayaa shaki gelinaya inay shaqeyn doonto xabad-joojinta halka dhinac ah ee ay dowladda federaalka ku dhowaaqday Isniintii.

Mucaaradka ayaa shalay qabsaday magaalada Shire oo 140 km waqooyi-galbeed ka xigta magaalada Mekelle, sida ay ku warameen ilo-wareedyo amni oo ka tirsan QM, oo la hadlay wakaaladda wararka AFP. 

Warka ku saabsan qabsashada Shire ayaa horseeday dabaal-degyo ay waddooyinka ku sameynayaan shacabka.  

Qabsashada Shire ayaa u muuqata inay jabhadda TPLF kaga dhabeyneyso wacad ay martay Isniintii, kadib qabshasadii Mekelle, oo ahaa inay “cadowga” ka saari doonaan gobolka.

“Dowladda Tigray waxay ugu baaqeysaa dadkeena iyo ciidamada Tigray inay xoojiyaan halgankooda illaa ay cadowgeena ay si buuxda uga tagaan Tigray,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay TPLF, Isniintii.

Hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee ICG ayaa Talaadadii sheegtay in TPLF ay hadda “gacanta ku hayso inta badan gobolka, oo ay ku jiraan magaalooyinka waa weyn.”

“Waxay guulahan inta badan ku gaartay taageerada weyn ee ay ka haysato shacabka iyo qabsashada hub iyo agab ay kala wareegtay cadowgeeda,” ayuu yiri William Davison oo ah taxliiliye ka tirsan ICG. 

Afhayeenka TPLF Getachew Reda, ayaa Talaadadii u sheegay AFP inay cadowgooda ku eryan doonaan meelo ka baxsan Tigray — xitaa illaa caasimadaha Ethiopia iyo dalka deriska ah ee Eritrea, oo xulufo la ah Abiy.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here