Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo looga digay inay ku milmaan siyaasadda

gen odawaa amisom1

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa u sheegay ciidamada xoogga in aysan ku milmin arrimaha siyaasadda iyo kooxo gaar ah. Hadalkaan ayuuna sheegay maanta mar uu khudbad u jeedinayay ciidamada.

Wuxuu sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed aaney wax ku qaban karin kooxa-kooxaysi taas oo wiiqi karta midnimada iyo waajibaadkii ciidamada loo aas-aasay isla markaana ay u dhaarteen.

Taliye Odowaa ayaa ku booriyay ciidamada Qaranka inay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara in aragtida kalsoonida iyo awoodda ciidamada ay kala qaybsanto.

“Saraakiisha qiimaha badan ee halkaan fadhiya waa in aaan inaan ilaalino wixii shalay aan u dhaaranay waa in aan inaan ilaalino wada-jirka umaddeena waa in aan inaan ilaalino kalsoonida bulshadeennu nagu qabaan “ ayuu yiri Jeneraal Odowaa.

Hadalkaan Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli uu taaganyahay khilaaf xooggan u dhaxeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, khilaafkaas pp keenay in ra’’isul wasaaruhu uu faro ciidamada inay ka amar qaataan xafiiskiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here