Ciidamo Al-Shabaab ay u diyaariyeen inay weeraro ku fuliyaan 17-ka Ramadaan oo la duqeeyay

AlShabaab drone

Diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha laheyn ayaa xalay duqeymo ka fuliyay degmooyinka Bu’aale iyo Salagle ee gobalka Jubada Dhexe, sida ay noo sheegeen saraakiisha Soomaaliya ee Jubbooyinka.

Duqeynta ayaa lala beegsaday xarumo ciidan iyo goobo kale oo muhiim ah, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha.

Wararka aan ka helnay saraakiil ku sugan Jubbooyinka ayaa soo sheegaya in goobaha la duqeeyay ay ku jiraan xarun lagu diyaariyay dagaalamayaal weerar ka geesta gobalada dalka iyo Muqdisho 17-ka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in dagaalamayaasha qaar ee duqeynta ku dhintay loo diyaariyay in todobaadkan ay weeraraan degmada Baardheere ee gobalka Gedo iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Gedo.

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka ciidamada howlgalka fuliyay hase yeeshee saraakiil xog ogaal ah ayaa sheegay in Al-Shabaab jab culus ka soo gaaray duqeyntii xalay.

Sidoo kale Al-Shabaab wali kama aysan hadlin duqeyntii lala beegsaday xarumahooda Jubbooyinka, gaar ahaan Bu’aale iyo Salagle, inkasta oo aysan inta badan ka hadal weerarada ka dhanka ah.

Duqeymaha ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa heer aan horey loo arag la gaarsiiyey afarta bil ee ugu horreysay sanadkan ayada oo xubno badan looga dilay kooxdan, waxaana weerarada badankood fuliye ciidanka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here