Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo gaari kula qarxay Muqdisho

ciidanka xoogga dalka guriceel

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga dowladda federaalka Soomaaliya goor dhow lagula eegtay qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhashay gaari Spacio ah oo ay wateen ciidamadaasi, kaas oo la sheegay in loogu dhajiyey qaraxa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in gaariga uu qarxay, xilli uu ku socdaalayey inta u dhexeysa isgoysyada Xoosh iyo Ex-Contarol ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay ugu yaraal illaa labo askari oo ka tirsanaa ciidankii Milatariga ee la socday gaariga qarxay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadu waxyar kadib ay isaga dhaqaaqeen goobta qaraxa, islamarkaana ay horay u qaateen Meydadka labada askari.

Dhanka kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa sheegata weeraradaan ka dhanka ah askarta, waxaana had iyo jeer ay qaraxyo miino la eegtaa ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan M/ Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here