Ciidanka daraawiishta Galmudug oo gadood uga baxay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb2

 Ciidamo loo tababarayey kuwa Daraawiishta maamulka Galmudug ayaa maanta sameeyey gadood, waxayna isaga baxeen xeradii ay ku jireen oo ku taalla gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamadaasi oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubkooda ay gaareen deegaanka Galinsoor ee isla gobolkaasi, waxayna ku sii jeedaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo markii horeba laga keenay.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in gadoodka ay sameeyeen ciidamadaasi uu salka ku hayo khilaaf u dhaxeeya wasiirka amniga Galmudug Mudane Axmed Macalin Fiqi & qaar ka mid aha xildhibaanada mamaulkaasi, gaar ahaan kuwa laga soo doorto Gaalkacyo.

Ciidamada carada uga baxay Dhuusamareeb ayaa ka mid ahaa maleeshiyaadkii la qarameeyey ee lagu wareejiyey dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, waxaana muddooyinkii la soo dhaafay ay tababar ku qaadanayeen Dhuusamareeb.

Dhanka kale waxaa haatan socda dadaallo ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug iyo odayaasha dhaqanka oo xal looga gaarayo xiisadaasi.

Galmudug ayaa in muddo ah la daala dhaceysay, sidii looga hortegi lahaa dagaal beeleeyada iyo maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan deegaanadeeda, kuwaas oo haatan intooda badan la qarameeyey, islamarkaana lagu daray ciidamada daraawiishta ee maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here