Ciidanka DF oo sheegtay inay gubeen xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab

ciidamada danab2

Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey saldhigyo iyo xarumo ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaano kamid ah Gobolka Shabeelada Dhexe.

Howlgalka ay fuliyeen ciidamada Dowladda ayaa waxay kula waregeyn deegaano ay kamid yihiin War dhagax, War ciise, Gaal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere,oo katirsan gobolka shabeelada dhexe.

Qaar ka tirsan goobaha howgalka laga fuliyey ayaa ahaa goobo ay kooxda Al-Shabaab lacago baad ah kaga qaadi jirtay baabuurta u kala goosha deegaanada Gobolkaas.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Howlgalka ayaa waxaa lagu burburiyay maxkamad ay Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaanka War-ciise ee gobolka shabeellada dhexe.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa sheegay in dab qabadsiiyeen xarumihii Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Warciise ee gobolka shabeellada dhexe.

Howlgalkaan qorsheysan ee socdo dhowrka maalin ayaa waxaa hoggaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusf Raage.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Cali Xaashi ayaa Idaacadda ku hadasha afka Ciidmadda Qalabka Sida u sheegay in ciidanka xoogga dalka ay ku guuleysteen in Al-shabaab ay ka saaraan deegaanada ay howlgalka ka wadaan.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay inay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah gaarsiiyeen Al-Shabaab inkastoo uusan sheegin tirada khasaaraha.

Al-Shabaab weli kama aysan hadlin howlgalkaan qorsheysan ee laga fuliyey deegaano ay gacanta ku hayeen iyo sheegashada dowladda ee ah inay khasaaro gaarsiiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here