Ciidanka Soomaaliya oo gacanta ku dhigtay Madaxii koonfurta Soomaaliya ee Daacish

ciidamada onkod 1

Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay Madaxii koonfurta Soomaaliya ee kooxda Daacish.

Ninkaan ayaa lagu qabtay Isbuucaan Howlgal Qorsheysan Oo laga sameeyey Meel ku dhaw Isgoyska Howlwadaag oo gaari ay la socdeen lagala dagay Isaga iyo Labo nin la socday.

Dawlada ma aysan soo bandhigin Magaciisa, waxaana hadda socda Baaritaan lagu hayo iyadoo Maxkamad lasoo taagi doono, sida ay Saraakiil Laamaha amniga katirsan sheegeen.

Ninkan la qabtay waxaa la socotay rag kale oo hubeysan waxeyna dagaal kala hortageen ciidanka dowlada ka hor inta aan la qaban Axadii Todobaadkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here