Cilmi Baarista Hindiya: “Habaarka ama dhibaatada sodohda”

sodoh

Waxaa jiro xaasas “xanaaq badan” iyo kuwo seygooda “si joogto ah u eedeeya”. Iyadoo waxaas oo dhan ay jiraan, haddana ma jirto cid ka adkaan karta qiyaanada iyo awoodda sodohda.

Majaajilo uu sameeyay qoraaga Britishka ah, GK Chesterton, wuxuu “sodohda ugu xun ku tilmaamay cirfiid, isagoo sidoo kale sodohda ugu fiicanna ku sheegay in ay dhibaato tahay”.

Waxaa loo arkaa “xukun doon” in ay yihiin Sodohdyada Hindiya oo sidoo kale laga sameeyay shactiro iyo kaftan naxariis daro ah. Dumarka ugu badan ee dalkaas, ka dib marka la guursado waxaa la geeyaa guriga qoyska ninka, xiriirka ay sodohda la yeelaneyso waa mid aad muhiim u ah. Sidoo kale khibraddeeda nolosha waxay mararka qaar noqoneysaa mid sumcad xumo ku ah sodohda.

Haddaba, Sodohda Hindiya u dhalatay waxaa aalaaba lagu soo bandhigaa dhibaatada aan dhammaadka lahayn ee hooyada ee aflaant Bollywood. Waa qof maamul adag oo amar badan, awoodda maamulka qoyska iyo wiilkeeda kula loollameysa gabadha ay sodohda u tahay. Markasta waa musalsalada ugu dheer ee Hindiya marka sodohda laga hadlayo.

Sidoo kale, waxa xilli kasta la arkaa hadalka ah “sodohda hadda, waxaa jirtay xilli iyada sodoh loo soo ahaa”.

Dumarka badankooda waxay u guuraan guriga qoyska ninkeeda, guurka ka dib.
Dumarka badankooda waxay u guuraan guriga qoyska ninkeeda, guurka ka dib.

Markan, sodohda Hindiya waxaa lagu sameynayaa cilmi baaris aad u culus, taas oo suuragal ah in ay tahay markii ugu horeysay oo dabcigooda iyo dhaqankooda la baaro.

Sannadkii 2018-kii, cilmi baarayaal ka socday Boston iyo Delhi waxay wareysteen 671 dumar ah oo lagu guursaday da’da 18 illa 30 sano, kuwaas oo ka soo kala jeeday 28 tuulo oo ka tirsan Degmada Jaunpur ee gobolka Uttar Pradesh.

Waa deegaan ay dadkiisu aad ugu dhegan yihiin dhaqanka. Tirada dadka halkaas ku nool waxay u dhigantaa bulshada dalka Brazil oo dhan.

Da’da celcelis ahaan ee dumarka waa 26, seygeedana 33. Kuwa ugu badan waa Hindu, dabaqadda hoose noloshoodu tahay. Illaa 60% boqolkiiba dadkaas waa beeraleey. Sidoo kale boqolkiiba 70% gabdhaha la qabo waxay la nool yihiin sodohdooda.

Cilmi baarayaasha waxay dumarka weydiiyeen noloshooda iyo xiriirka ay bulshada la leeyihiin – sida qaraabada iyo asxaabta aan guriga kula nooleyn. Waxaa la weydiiyay kaalinta ay sodohda ku leedahay in ay dad kale la saaxiibaan? Saameynta ay ku yeelatay madaxbannaanidooda, in ay xarumaha xaafimaadka aadi karaan iyo in ay raadsan karaan daryeelka caafimaad?

Waxa ay baarayaasha ogaadeen arrimo aad adag iyo farqi wayn ee u dhexeeya halyeeynimada jilliinka aflanta iyo xaqiiqada dhabta ah.

Waxay ogaadeen in dumarka la nool sodohdooda ay haystaan xuriyad aad u xadidan iyo in aysan awoodin in dad kale ay bartaan oo ka baxsan qoyska. Dumarkan, in ay bulsho iyo deriska bartaan waxay ka caawin lahayn in macluumaad badan ay helaan, iyo in ay asxaab wanaagsan sameystaan, in ay kalsooni helaan ayna noqdaan dad hami leh.

A doctor gives a speech on family planning in the village of Udaka
Dumarka miyiga ku nool ee Hindiya waxay u bahan yihiin in ay noqdaan kuwo bulshada ku xiran

Balse, ku dhowaad boqolkiiba 36% dumarkaas, waxaa la ogaaday in saaxiib ama qaraabo dhow aysan ku leheyn degmada oo dhan; Sidoo kale 22% boqolkiibana aysan qaraabo ama saaxiib ku lahayn aaggas oo dhan.

Keliya, boqolkiiba 14% dumarka deegaankaas ayaa loo ogoladaa in keligood ay cisbitaalka aadaan, sidoo kale 12% boqolkiiba waxaa loo fasaxaa in ay booqdaan asxaab ama qaraabo iyagoo keligood ah.

Marka laga reebo sodohda iyo seyga, inta badan dumarka Jaunpur waxay la hadli karaan laba qof oo kale marka xaaladaha muhiimka u ah ay ka sheekeynayaan.

Baaritaanka waxaa lagu sameeyay laba koox oo dumar ah – kuwa la nool sodohdooda iyo kuwa aan la noolayn – waxaana la is barbardhigay tirada saaxiibbo ama qaraabo dhow ee ay halkaas ku leeyihiin. “Asxaabta dhow” waa kuwa ay kala hadlaan arrimaha caafimaadka, dhalmada iyo qorsheynta qoyska.

Waxay ogaadeen in haweeneyda la nool sodohdeeda ay ka asxaab yartahay boqolkiiba 18%, kuwa kale. Sodohda waxay xakameysaa xiriirkeeda bulsho, iyadoo aan loo oglaan in keligeed ay meel booqato “oo aysan isku deyin in ay xadido tirada carruurta ay dhaleyso iyo dawada dhalmada yareyso”.

Mararka qaar, sodohda waxay dooneysaa carruur badan – gaar ahaan wiilal badan – taas oo gabdhaha aysan rabin xilliyada qaar. Qiyaastii boqolkiiba 48% dumarkaas waxay sheegeen in sodohdooda aysan ogoleyn yareynta dhalmada.

Haddii ninka uu meel kale ka shaqeeyo, sodohda waxa aad u ilaalineysaa dhaqdhaqaaqa iyo socodka gabadha – bulsho ma dhexgeli karto, ma madaxbannaano, go’aanna ma gaari karto.

La noolaanshaha sodohda waxay sidoo kale leedahay faa'iido
La noolaanshaha sodohda waxay sidoo kale leedahay faa’iido

“Dumarka aan asxaabta badan lahayn aad ayey u yartahay in ay isbitaal tagaan, xitaa haddii ay wajahayaan dhibaato dhanka dhalmada ah ama caafimaad daro kale”, sida lagu qoray warbixinta ay wada qoreen baarayaasha Jaamacadda Boston, machadka dhaqaalaha ee Delhi, Jaamacadda Northeastern iyo Machadka Boston.

Inta badan gabdhaha yaryar ee la qabo ee ku nool tuulooyiinka Hindiya, dad yar ayey kala hadlaan arrimaha gaarka u ah. Sidoo kale, boqolkiiba 33% ka mid ah dumarka Hindiya ayaa mobile haysta, loomana ogola in xiriir masaafo fog ah ay ku sameeyaan telefoonka.

Taas micneheedu ma ahan in la noolaanshaha sodohda oo dhan uusan faa’iido lahayn. Cilmi baarayaal ayaa ogaaday in la joogitaankeeda uu faa’iido u leeyahay dumarka, marka dhinacyada qaar laga eego. Waxaa ka mid ah caafimaadka xilliga uurka.

Si kastaba, cilmi baarayaasha waxay isku raaceen in la noolaanshaha sodohda uu caqabad weyn ku yahay madaxbannaanida haweeneyda.

La yaabna ma lahan in cilmi baarayaasha ay warbixintooda ugu magacdareen Habaaridda Mummyji (Sodoh), oo ah hadal maldahan oo wargeyska Dhaqaalaha lagu qoray 2013-kii oo looga hadlayay warbixin ku saabsanayd Sodohda u dhalatay Hindiya.

Xigasho: BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here