Codka kalsoonida ma heli doonaa Ra’iisal Wasaaraha magacaaban?

maxamed xuseen Rooble

Sida farriin loo diray xildhibaannada baarlamaanka muujinayso, waxa maanta la filayaa in madaxweyne Farmaajo horgeeyo ra’iisal wasaaraha magacaaban baarlamaanka si uu ugu weydiiyo codka kalsoonida.

Farriintan ayaa u dhignayd: “Berri arbaco ah kulan gaar ah iyo kulan weynihii golaha, ajenduhuna, hadal jeedinta Madaxweynaha iyo kalsooni siinta Ra’iisal Wasaaraha magacaaban”

Raysal wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble, ayaa booskan loo magacaabay 17-kii bishan September. Waxaana tan iyo intii la magacaabay u wadey isku dayo iyo kulammo uu xubnaha baarlamaanka si gaar gaar ah ula kulmayey si uu ugu qanciyo in ay codka kalsoonida siiyaan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa haysta muddo kooban si uu u soo dhiso xukuumad cusub islamarkaana u ambaqaado howlihii xukuumaddii hore ee ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Waxaana uu ku soo beegmeyaa xilli dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ay ka heshiiyeen qaabka ay u dhaceyso doorashada.

Sida ay qabaan falanqeeyayaal siyaasadeed waxaa la saadaalinayaa in ay u badan tahay in uu heli doono codka kalsoonida. Soomaaliya weli kama ay dhicin ra’iisal wasaare madaxweyne magacaabay oo baarlamaanka la hor geeyey in uu heli waayo kalsoonidii baarlamaanka.

Waxaana loo cuskanayaa sababaha u fududayn doona maadaama uu keligii yahay, oo aanay la socon golihii wasiirradu oo iyaga la saadaalinayo in ay adag tahay sida ay codka kalsoonida dib ugu helaan.

Halka sida oo kalena muddada yar ee afarta bilood ah ee u hadhsan ay qasbayso in hore loo ansixiyo, si uu hore ugasii hawlihiisii shaqo xilli dalku ku jiro xaalad kala guur ah oo doorasho la filayo.

Kusimaha Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Khadiija Maxamed Diiriye, oo sida oo kalena ah xildhibaan baarlamaanka ah ayaa barteeda ay ku leedahay Facebook ku sheegtay hadal u dhigan in ay hubto inuu codka kalsoonida heli doono.

“Wax wel wel ah kama qabo kalsooni heliddiisa mudanayaasha golaha shacabka baarlamaanka JFS” ayay tidhi.

Maxamed Xuseen Rooble oo ah 57 jir. waa injineer ku dhashay magaalada Hobyo, bishii Oktoobar 1963, ahna aabe dhalay shan carruur ah.

Waxa uu waxbarashadiisii asaasiga aheyd ku soo qaatay magaalada Muqdisho, halkaas oo markii dambe uu Jaacamaddii Ummadda kaga biiray kuliyaddii Injineerinka, oo uu ka qalinjabiyay sanadku markuu ahaa 1990.

Maxamed Xuseen Rooble, markii uu dalka ka dhacay dagaalkii sokeeye waxa uu ku biiray tobannaanka kun ee qof ee u qaxday dibadaha, markaas oo ay u suuragashay inuu galo dalka Sweden.

Sanaddii 2,000 ayuu jaamacad ku taal magaalada Stockholm ka qaatay saahadada heerka labaad ee Masters Degree-ga.

Maxamed waxa uu markaas wixii ka dambeeyay ka soo howlgalay dalalka Soomaaliya, Kenya, Tanzaaniya iyo Sweden, isagoo dhowr iyo toban sanadood la soo shaqeeyay hay’adaha Qaramada Midoobay gaar ahaan Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee loo soo gaabiyo (ILO).

Sida ku cad nuqul ka mid ah CV-giisa oo BBCda la soo gaarsiiyay, waxa uu ku hadlaa shan luuqadood, oo kala ah Soomaali – lugaddiisa hooyo -, Ingiriis, Swedish, Carabi iyo Talyaani.

Maxamed Xuseen Rooble waa nin aanan hore loogu aqoon arrimaha siyaasadda hasayeeshee waxa uu ka soo shaqeeyay arrimaha horumarinka.

Maxamed waxa uu siyaasadda ku soo biirayaa xilli doorasho ay waddanka ku soo fool-leedahay, arrintaas oo noqonaysa shaqada ugu wayn ee looga fadhiyo xukuumadda uu soo dhisi doono, waa haddii la meelmariyee.

BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here