Codka sirta ah ee laga duubay madaxweynaha Jabuuti ee madax sare ay xabsi ku muteysteen

ismaaciil cumar geelle2

Maxkamad ku taalla dalka Jabuuti ayaa shan qof oo ay ku jiraan taliyihii hore ee booliska iyo wasiirkii hore ee miisaaniyadda ku xukuntay xabsi u dhaxeeya lix bil illaa shan sano, sida uu sheegay TV-ga RTD Djibouti ee ay dowladdu leedahay 26-kii bishan May – oo ku beegan shalay.

Xeer-ilaalinta ayaa ku xukuntay Yaabe Saciid Geelle iyo Ibraahim Cabdi Geelle 5 sano oo xarig ah mid walba.

Labadan masuul ayaa la xukumay markii lagu helay dambiyo la xiriira inay si sharci-darro ah u faafiyeen sheeko taleefanka ku dhex martay masuuliyiin sare oo uu madaxweynuhu ka mid ahaa. Waxaa lagu eedeeyay in ay laaluush qaateen si ay u faafiyaan wada-sheekeysiga.

Xeer-ilaalintu waxay sidoo kale saddex sano oo xarig ah ku xukuntay Cabdullaahi Cabdi Faarax oo ah Taliyihii hore ee Booliska iyo Boode Axmed Rooble oo ahaa wasiirkii hore ee miisaaniyadda, waxaana lagu helay dambi ah inay si sharci-darro ah ku heleen lacagna ku bixiyeen wada-hadallo sir ah oo dhanka telefoonka ah.

“Dacwad-oogaha guud wuxuu Cabdalla Xasan Iltire, agaasimihii hore ee bankiga dhexe ku xukumay lix bil oo xadhig ah, kaddib markii lagu helay inuu xiriir la lahaa, sidaas oo kalena uu qayb ka ahaa wax la fududaynta [eedaysanayaasha kale],” sida ay xaqiijisay warbaahinta dowladda Djibouti.

Maamulka Jabuuti ayaa 15-kii Febaraayo xabsi guri geliyay dhowr taliyeyaal oo isugu jira milatari iyo booliis, kaddib markii looga shakiyay inay maleegayeen afgambi dhicisoobay oo ka dhan ah Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Shabakadda Internet-ka ee La Voix de Djibouti oo taageerta mucaaradka ayaa maalin kaddib lagu qoray in wasiirkii hore ee maaliyadda Boode Axmed Rooble la xiray. Si kastaba ha ahaatee, ma aysan sheegin sababaha loo xiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here