Colombia: Magaalo ay isugu tageen haweenkii rabshadaha ka yaacay

Colombia dumar

Intii lagu jiray rabshadihii hubaysnaa ee in kabadan nus qarni ka socday Colombia, isla mar ahaantaana dhiigga badani ku daatay ee u dhexeeya jabhadaha iyo milletariga wadankaasi ayaa ku qasbay ku dhawaad sideed milyan oo qof inay guryahooda ka cararaan.

Haweenka iyo afrikaanka Kolombiyaanka ah gaar ahaan waxaa si gaara u taabtay qalalaasaha iskahorimaadka ah oo inta badan keensatay ina aadaan dhul fog fog oo aysan waxba ka jirin.

Xaafad sabool ah oo ku taal magaalada xeebta leh ee Cartagena, koox haween ah oo barokacayaal ah ayaa go’aansaday inay dhistaan.

Waxay samaysteen Ururka Haweenka barokacay waxayna 2003 bilaabeen inay dhisaan tuuladan si iskaa wax u qabso ah iyagoo ugu magacdaray: Magaaladii Haweenka.

Magaaladan, oo u dhaw gobolka Turbaco, ayaa laga sameeyey 100 guri, oo ay dumarka isugu tegey gacmahooda ku dhisteen.

Intii lagu guda jirey rabshadihii hubaysnaa, kufsiga iyo waxyeellaynta dumarku waxay ahayd waxa ugu weyn ee laga biqi jirey. Dumar badan oo tuuladaas ahi waa kuwo ka soo badbaaday rabshadahaas.

Sidoo kalena waxay sheegeen inay soo dhawaynayaan dumarka ku nool degaammada ay ka jiraan dilka, kufsiga isla mar ahaantaana dumarka ula dhaqmaan si xun.

Halganka ay soo galeen ayaa mideeyey oo ka dhigay inay noqdaan awood iskaabta oo si weyn u wada shaqeeya. Caadooyinka iyo bulshooyinka u daran dadka soo barakacay weli waxay ka jiraan meelo badan oo dalkaas ah.

“Dagaalka ayaa naga burburiyey guryahayagii, isagaa oo noloshayadii caadiga ahayd, riyooyinkayagii iyo dhulkayagiiba naga soo fogeeyey’

Consuelo Villega Mendoza, waa da’aadda 44, waxay ka timi tuulo ku taal gobolka Sucre, iyado lagu qasbay inay ka soo cararto kaddib markii ay bilaabmeen xasuuqa dadkii u dhawaa.

“Waa dhibaato aad dareemi karto marka ay kugu dhacdo’ ayay sheegtay. ‘Waxaan uga soo tagnay cabsi awgeed” ayay intaasi ku dartay.

iyada iyo inanteediiwaxay sheegeen inay sidoo kale kasoo tageen hudheel ay ku lahaayeen tuuladas oo ay cuntooyinka, sharaabka ay ku iibin jireen.

“Ka qayb noqoshada Golaha Dumarka Baracakay ayaa iga caawiyey ina baray si aan hore ugusii socdo’

iyadoo akhriyaysa dawo ilkood, ayaa intaasi ku dartay in sharafta iyo deggananta tahay riyada gabadh walba.

Haweenka Magaalada ku nool waxay u soo halgameen n sidii ay ugu heli lahaayeen caddaalad dambiyadiiu lagu galay, laakiin dhammaan 159 kiis ee tacaddiyada ku saleysan jinsiga iyo barakaca ee ay sheegteen wali lama xallin.

Alneris Orozco Caupo, 47, waxay u yaalla gurigeeda ku yaal Magaalada Haweenka sawirro la geliyey muraayad laga dhex arki karo. Asal ahaan waxay ka timid gobolka waqooyi-galbeed ee Cesar, waxaa lagu qasbay inay la cararto labadeeda caruur ah in ka badan 20 sano ka hor dagaalka dhuleed ee u dhexeeya ciidamada militariga iyo falaagada lagu magacaabo Farc.

Waxay si sharaf leh noo tustay sawirrada carruurteedaoo ka qalinjabiyey dugsiga sare iyo jaamacadda, taas oo aysan weligeed ku guulaysateen rabshadaha awgeed.

Erika Maria Gamarra Caro, waxay jirtaa 42, waxay ka timi El Carmen de Bolívar waxayna usoo carartay Cartagena kadib markii xubno kamid ah qoyskeeda ladilay intii lagu xasuuqayey ciidammada garabka midig markii ay hore laayeen fallaagada garabka bidix ee Farc.

Waxay sheegtay in si isdaba joog ah loogu faraxumeeyey intii ay ku jirtay qaxitaankeeda laakiin Ururkan ayaa ka caawiyay sidii ay uga soo kaban lahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here