Coronavirus: Amarro cusub oo lagu soo rogay Shaqaalaha Aqalka Cad

trump

Shaqaalaha aqalka cad ee Mareykanka ayaa waxaa lagu amray in ay xirtaan qalabka sanka iyo afka lagu duubto ee Maaskaraatiga loo yaqaano marka ay soo galayaan qeybta loo yaqaano West Wing.

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii labo ka mid ah saraakiisha Aqalka cad laga helay cudurka Corana.

Sargaalka u sareeya shaqaalaha Aqalka Cad ayaa sheegay in ay qasab tahay in shaqaalaha ay afka duubtaan xilli waliba marka laga reebo marka ay fadhiyaan kuraasta ay ku shaqeynayaan.

Amarkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii mid ka mid ah kaaliyayaasha madaxwayna ku xigeenka Mike Pence iyo sargaal aad ugu dhaw madaxwaynaha cudurka laga helay.

Mr Trump ayaa sheegay in xeerkan cusub loo baahnaa.

Saddex xubnood oo ka mid ah guddiga xakameynta Corona ayaa is karantiilay muddo labo toddobaad ah ka dib markii ay la macaamileen shaqsiyaad cudurka laga helay.

Waxaa dadka is-karantiilay ka mid ah Dr Anthony Fauci, oo isagu noqday wajiga dagaalka ay Mareykanka kula jiraan cudurka Covid-19.

Maxaa kale oo uu madaxwayne Trump sheegay?

Mr Trump ayaa sheegay in lacago badan loo qoondeyn doono si sare loogu qaado baaritaanada gobolada kala duwan ee dalka Mareykanka.

Dowladda ayaa lacago dhan $11 bilyan u qoondeynaysa gobolada si loo gaaro bartilmaameedka baaritaanada cudurka.

Saraakiisha sarsare ee Aqalka Cad ee sida maalin laha ula macaamilada madaxwayne Trump ayaa imika si joogta ah cudurka looga baaraa.

Dhanka kale tirada cudurka Covid-19 ugu dhamitay Mareykanka ayaa imika gaartay 80,397, qof

24 saac ee ugu dambeysay waxaa Mareykanka cudurka ugu dhimatay 830 qof.

Guud ahaan tirada uu cudurka soo ritay dalka Mareykanka aya mareysa 1,347,.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here