Culimada Soomaalida Kenya oo digniin culus kasoo saaray natiijada dacwada badda

somalia kenya flag

Culimada Soomaalida ee dalka Kenya ayaa soo saaray digniin ku aadan natiijada la filayo inay maalinta berri ah ku dhawaaqdo Maxkamadda Cadaallada Acduunka (ICJ) ee ku saabsan kiiska badda Soomaaliya..

War kasoo baxay culimada ayaa waxaa lagu sheegay in natiijada kiiska badda ay horseedi karto isku dhac qowmiyadeeda, si taasi looga fogaadana waxay soo jeediyeen in aan la sameyn isu soo baxyo ballaaran.

Digniinta oo si gaar ah ugu socotay dadka Soomaalida ee ku nool dalka Kenya, ayaa waxaa lagu yiri “go’aan kasta oo ka soo baxa maxkamadda waa in aan dibad bax la sameyn.”

Dr Aadan Yoonis Sheekh Ibraahim oo ah madaxa golaha sare ee Muslimiinta dalka Kenya oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in warka ay soo saareen uga gol leeyihiin in meesha laga saaro khasaare kasta uu sababi karto natiijada maxkamadda.

“Waa in aan la sameyn banaanbax murugeed iyo mid faraxeed, waayo cabsida aan qabno ayaa tahay in dhib u keento banaanbaxyada masaalix badan oo Soomaalida ku leedahaya dalka Kenya,” ayuu yiri Dr Aadan Yoonis.

“Culimada sidooda meel fog ayey wax ka arkaan, waxay saadaalinayaan arrimaha amaanka iyo dhaqaalaha, markaa waxaa aaminsan tahay hadaad muujiso wax ka weyn hadduu ka imaanayo waa joojineysa.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in culimada ay ka baqayaan haddii banaanbaxyo ku aadan natiijada badda ay dhigtaan Soomaalida dowladda Kenya ay qaadi karto go’aan aan loo meel dayin oo cawaaqib xumo ah.

“Arrinta ha noqoto labo dowladood oo is haya, labadaas dowladood tii reysaba anaga waxaa rabnaa in naloo arko dad dhex-dhexaad ah oo Soomaalidana sidii ay ugu jireen Kenya ugu jiraan.”

Dr. Aadan ayaa soo jeediyay in si degan looga fal-celiyo go’aan kasta oo kasoo baxa maxkmadda cadaalada aduunka ee ICJ, maadama ay tahay xiisad adag oo ka dhex aloosan labada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here