Cumar (Filish) iyo Safiir kuxigeenka Swedan oo kulmay

Cumar Filish iyo Petra Smitmanis Dry sweden

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo sidoo kalena ah Duqa magaalada Muqdisho ayaa kulan xasaasiya kula qaatay xafiiskiisa Safiir kuxigeenka Swedan ee Soomaaliya, Petra Smitmanis Dry.

Filisha aya Safiirka kala hadlay dhaqaalaha ay dowladda Sweden ay siiso dowladda Soomaaliya, gaar ahaan midka ay ku taageerto gobolka Banaadir ee uu mas’uulka ka yahay.

Labada mas’uul ayaa isku raacay in la dar-dar geliyo mataaneenta labada magaalo ee Muqdisho iyo Gothenburg, iyada oo uu guddoomiye Filish uga mahad celiyay safiir kuxigeenka tobabarada ay dowladiisu ay siiyaan shaqaalaha dowladda hoose.

Sidoo kale waxa kulankan diirada lagu saaray kaalinta ay dowladda Sweden ku leedahay dib u soo kabashada dalka, midaasi oo uu maamulka gobolka Banaadir uu sheegay inay qeyb weyn ka qaadaneyso horumarka gobolka Banaadir iyo guud ahaan dalka.

Safiir kuxigeenka Sweden ee Soomaaliya ayaa dhinaceeda balan qaaday inay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan shacabka gobolka Banaadir, iyadoona maamulka gobolka ku bogaadisay howlaha ay bulshada caasimada u hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here