D Federaalku ha cadeyso Maqaamka Banaadir iyo Maamulka khaatumo

0
banaadir iyo khaatumo

Cabsidii faraha badnayd ee Madaxweyneyaashii hore Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh ka qabeen Beelaha qaarkood waxay ku kaliftay inay dulmiyaan xuquuqda muwaadiniin iyo degaamo kale.

Degaamadda ay sida indo la’aanta ah u dulmiyeen waxaa ka mid ah Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn oo ay ka dhexaysiiyeen labada beelood ee hareeraha ka xiga, halka Jubbaland ay u gacan geliyeen Axmed Madoobe iyo Kenya, sidoo kale waxay ka baqeen inay cadeeyaan maqaamka Gobolka Banaadir.

Xukuumadda Soomaaliya ee NABAD IYO NOLOL waxay ku mahadsan tahay, siday ugu adkaysanayso inay JUBBALAND u sameyso maamul dadku leeyahay oo loo dhan yahay, sidoo kale inay joojiso Wadahadaladii xaqdarada iyo wadinayad la’aan ku bilaabmay ee Somaliland lagula jiray, kuwaas oo ka turjumayey aragti hal dhinac ama beel gaar ah, iyadoo umadda Soomaaliyeed ay wada ogsoon yihiin in aanu jirin heshiis rasmiya oo ay wadagaleen Reer Khaatumo iyo Somaliland, iyagoo ay dhaqan geliwaayeen heshiisyadii Awrboogays iyo Cali Khaliif.

TACADIYADDA SOMALILAND KA FULISAY DEGAAMADA SSC

Shacabka SSC markay arkeen wadinayad yaraantii madaxdii Soomaaliyeed ee Villa Somalia fadhiday, waxay joojiyeen halgankii ay ugu jireen midnimadda Soomaaliyeed, Somalilandna waxay degaamadaas ka geysteen tacadiyo farabadan oo u baahan in BAARIS CAALAMIYA lagu sameeyo, sida xasuuqii Kalshaale, kala qaybin, caburin taas oo caruurta iyo dumarka banaanbaxa loo adeegsado tikniko, hubay caagleyaal oo falal amni daro degaamada ka abuura, Nin Garbood degaanka oo dad dirays sida oo madaxu u duuban yahay magaalooyinka ku dileen iyo falal kale oo badan oo loo adeegsaday dhaqaalihii mucaawimada beesha Caalamku ku deeqeen.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaan ka codsanaynaa;

Inay cadeyso mowqifkeeda ku aadan maqaamka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Khaatumo, iyadoo aqoonsiga Khaatumo uu yarayn doono dhibta ay maamulada Beelaha ku salaysani ku hayaan Dawladnimada Soomaaliya.

In Maamulka Khaatumo loo ogolaado ka qaybgalka shirarka Maamulgoboleedyada iyo Dawladda Federaalka, oo sida Maamulka Gobolka Banaadir uga sii qayb galaan.

Qore Caaqil Kaalid M Shire Muuse Dhiil

UK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here