Daawo Booliska oo xog buuxda ka bixiyey qaraxii is-miidaaminta ahaa ee Muqdisho

Sadiiq Aadan Cali Duudishe

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali ayaa hadda warbaahinta u sheegay in qaraxii is-miidaaninta ahaa ee maanta ka dhacay isgoyska Ex-Control ay ku geeriyoodeen haweeney shacab aheyd iyo qofkii is qarxiyey.

Qaraxa ayaa ka dhacayo suuq lagu iibiyo Hilibka, Mallaayga, sidoo kale ay ku dhowdahay busteejo laga raro Gaadiidka dadweynaha ee aada dhinaca degmada Dharkeynley, waxaana xilliga qaraxa uu ka dhacayay ay goobta aheyd mid mashquul badan.

Sidoo kale 23 qof oo kale ayuu sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxaas, afhayeenku wuxuu kaloo ka hadlay kiisaska haweeney uu dhawaan seygeedii ku dilay degmada Warta-Nabadda iyo gabar yar oo dhawaan meydkeeda laga dhex helay guriga waalidkeed oo ay ku nooleed.

Waxa uu sheegay in lagu raad joogo eedeysanaha lagu tuhmayo inuu dilay xaaskiisii, kaas oo macalin ka ahaa mid kamid ah Iskuullada Muqdisho, halka baaritaanka kiiska gabadhii meydkeeda laga dhex helay guriga waalidkeed uu meel fiican marayo oo dad loo soo qabtay. 

Ugu dambeyntii afhayeenku waxa uu sheegay in markii lasoo gabagabeeyo baaritaanka labadaas kiis ee lagu dilay gabdhaha ay natiijada la wadaagi doonaan hey’adaha cadaaladda dalka.

Ma jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana qaraxyada noocaan oo kale ah looga bartay inay fuliso kooxda Al-Shahaab.

Muddooyinki dambe waxaa magaalada Muqdisho kusoo badinayey dadka is qarxinaya ee ka tirsan Al-Shabaab kadib markii ay ciidamada Dowladda si weyn uga hor tageen gawaaridii qaraxyada lagu fulin jiray ee soo geli jiray magaalada.

Hoos ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here