Daawo Daahir Jeesow “Khayre wuxuu booqday dad uu gumaysto, Axmed Madoobe oo Al-shabaab ah”

kheyre kismaayo32019 4

Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si la yaab leh uga hadlay Safarka Raysal Wasaare Khayre uu ku Joogo magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in Kheyre uu booqday dad la haysto oo aan soo bandhigi karin fikirkooda,islamarkaana uu u taliyo hal shaqsi oo ah Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Axmed madoobe, Madaxweynaha Jubbaland uu ahaa jirey Hogaamiye Al-shabaab, islamarkaana khilaaf hogaanka Shabaab soo kala dhexgalay uu keenay in isaga uu Madaxweyne ka noqdo Jubbaland.

“Ra’iisul Wasaare Kheyre waxa uu booqday dad lahaysto, oo ku jira Gumeysi, waxayna la mid tahay masuul ka socda Jaamacadda Carabta oo booqday dhulka la haysto ee Qudus isla markaana la kulmay Israa’iil” ayuu yidhi Xildhibaan Jeesow.

Ugu dambeyn Daahir jeesow ayaa ku taliyay in Axmed Madoobe laga hor wareejiyo shacabka Jubbaland,islamarkaana doorashadda dhawaan halkaas ka dhacayso lagu doorto hogaamiyo shacabka Daacad u ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.