Daawo Dawlada Federaalka iyo Culimada oo isku raacay 4 qodob

astaanta soomaaliya

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheikh Nuur Maxamed Xasan iyo Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo maanta kulmay ayaa ka wada hadlay dardar gelinta dadaallada lagula tacaalayo cudurka Coronavirus/COVID-19.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta wasaaradda, mas’uuliyiin ka socotay xafiiska ra’iisul wasaaraha, dhaqaatiir iyo hay’adaha amniga dalka.

Waxaa la isla gorfeeyay sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo faafitaanka cudurkan safmarka ah ee ku soo kordhay dalkeenna, waxaana dood iyo aragti is-dhaafsi ka dib waxaa wasaaradda iyo culimadu isla garteen:

1 – In Culimada oo ka mid ah dadka ay bulshadu dhageysato ay kaalin weyn ka qaataan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan cudurkan khatarta ah ee COVID-19.

2 – In la dhiso guddi ka shaqeeya taakuleynta iyo caawinta qeybaha nugul ee bulshada oo uu saameynta nololeed ku yeelanayo cudurkan Coronavirus, maadaama  ay nagu soo aaddan tahay bisha barakeysan ee Ramadaan.

3 – Guddi ka kooban Dowladda, khubarada caafimaadka iyo culimada ayaa qiimeyn doona oo go’aan ka gaari doona waxa laga yeelayo arrinta  masaajidda kadib marka cilmi baaris diini iyo mid caafimaad ah la sameeyo.

4 – Waxaa mar kale la farayaa ganacsatada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u turaan shacabka Soomaaliyeed oo aysan sare u qaadin qiimaha waxyaabaha daruuriga u ah nolosha shacabka Soomaaliyeed, culimadana wacyigalin ka sameyso, hay’adaha dowladda ee arrintu khuseysana tallaabada ku habboon ka qaadaan.

Hoos ka daawo muuqaalka Agaasimaha guud ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta,  Cumar Faaruuq SheekhCabdicaziiz oo sharxaya waxyaabaha la isku raacay iyo sida loo fulinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here