Daawo Ex-Wasiir Garas: Waxbarashadu waa waxa ugu mudan in la maalgeliyo

Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Xukuumaddii Axmed Siilaanyo, isla markaana wasiir u dowle ka noqday wasaaradda macdanta Md. Yuusuf Cismaan Garas oo ka qaybgalay xaflad sanad-dugsiyeedka xarunta waxbarashada ee Amaanno Boarding, ayaa hadal uu ka jeediyey munaasinadaasi waxa uu kaga waramay qiimaha waxbarashada iyo baahida loo qabo in dadka hantileyaasha ahi maalgashadaan, si ubadka loogu helo goobo tacliimeed oo tayo leh, bulshaduna dhaqaale ahaan awoodi karto.

Md. Yuusuf Garas oo ku hadlayey afka waalidiinta dugsigaasi, ayaa ka waramay qiimeyntii ay ku sameeyeen Dugsigan xilligii uu madaxda wasaaradda kamid ahaa, waxaanu ammaan u jeediyey mulkilaha iyo maamulka dugsiga Amaano.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here