Daawo Golaha wasiirada oo shalay ansixiyey miisaaniyadii ugu badneyd

rw Rooble2

Shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa lagu meel mariyey ku talagalka Miisaaniyad sanaddeedka Dowladda ee 2021 oo ay qeyb ka tahay qarashka doorashada iyo sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen golihii Wasiirrada Xukuumaddii xil gaarsiinta.

Miisaaniyadda guud ee sanadka 2021 ayaa dhan $671.8 million oo u qeybsan saddex qeybood oo kala ah, Dakhliga Gudaha 260.1 million iyo Kabka Miisaaniyadda oo noqonaysa 170.9 million, halka ay mashaariicdu yihiin 240.8 million.

Miisaaniyadda ayaa diiradda saareysa fulinta qorshaha qaranka, waxaana loo qoondeeyey dhanka horumarinta qaddar dhan 38 million, lacagtaas ayaa lagu bixin doonaa arrimo la xiriira.

1. Caafimaadka

2. Waxbarashada

3. Ka hortagga fatahaadaha

4. Cadaaladda iyo garsoorka

5. Dib u dhiska waddooyinka

6. Dastuurka

Caasimada Online ayaa ogaatay in qeyb badan oo ka mid ah lacagtaas lagu fulin doono doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan ee isugu jira xildhibaanada Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo xilka madaxweynaha.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la isku raacay sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen golihii Wasiirrada Xukuumaddii xil gaarsiinta, kuwaas oo isugu jiray xeerar, siyaasado iyo heshiisyadii ay galeen.

Hoos ka daaawo muuqaalka shirka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here