Daawo Puntland oo ku baaqday in laga qaybgeliyo wadahadalka DF-Somalia iyo Somaliland

muuse deni farmaajo iyo kheyre

Qodobo laga soo saaray shirkii jiheynta siyaasadda xukuumadda Puntland oo dhowr casho ka socday magaalada Garoowe, ayaa Puntland ku dalbatay in laga qaybgeliyo wadahadal iyo gorgortan kasta oo saameynaya degaamadeeda, sida Wadahadalka Dawladda Federaalka iyo Somaliland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa lagu cadeeyey;

“In sida uu qabo Dastuurka Federaalka ah, gor-gortan iyo heshiis walba oo saameynaya Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, ay waajib tahay in laga qeybgaliyo oo uusan ku koobnaan kaliya DF-Somalia, sidaas darteed Puntland waa inay qayb ka tahay wadahadal walba oo saameyn ku leh degaamadda Puntland, gaar ahaan wadahadalada u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland.”

Puntland iyo Somaliland ayaa ku muransan ka mid ahaanshaha Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn, taas oo wadahadalka Dawlada Federaalka iyo Somaliland uu ka dhigayo in Dawladda Soomaaliya ay Somaliland u aqoonsatay Goboladaas.

Warsaxaafadeedka ayaa Shacabka Puntland loogu baaqay inay la shaqeeyaan Xukuumadda Puntland, iyagoo sheegay inay ku howlan tahay difaacada Puntland.

Dalabka Puntland ee ka mid noqoshada wadahadaladda ayaa yimid xili Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu sheegay in Wadahadalku ka furmi doono dalka Ghana ee Galbeedka Qaarada Afrika, ma la garanayo goaanka ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ka qaadan doonto dalabka Puntland.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.