Daawo Rooble oo faahfaahin ka bixiyey wixii uu kala soo kulmay Puntland

Rooble iyo deni

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta inta uusan kasoo ambabixin magaalada Garowe waxa uu faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii u qabsoomay intii uu ku suganaa magaaladaas ee uu wadahadalka kula jiray madaxda Puntland.

Rooble ayaa sheegay in laba qodob uu xambaarsanaa qorshaha safarkiisa uu ku tegay Puntland, kuwaas oo kala ah, arrimaha doorashada oo khilaaf culus ka taaganyahay iyo howlihii caadiga ahaa ee xukuumadda iyo dowlad goboleedka Puntland oo sida uu sheegay u baahan in horay loo dhaqaajiyo.

“Qorshaha doorashada meel ayaan isla soo gaarnay, waxna waa noo dhiman yihiin, waxna bilaaw ayey noo ahaayeen, mar dhowna wixii noo dhimanaa waan dhameys tireynaa, shacabka Soomaaliyeed-na waxaan leeyahay is dejiya qalbiga kheyr u sheega, waa la guuleysanayaa, wax badan ayaa noo dhiman, wadadii dheereedna cagta waan saarnay,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale waxa uu sheegay howlihii caadiga ahaa ee xukuumadda ay hareer socdeen wadaxaajoodkii arrimaha hirgelinta doorashada ay kala galeen madaxda Puntland, isla markaana is faham laga gaaray arrimo ay ka mid tahay khilaafkii waxbarashada.

“Howlihii xukuumadda iyo xiriirradii ka dhaxeeyay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Puntland, sii xoojintooda wax badan ayaa nooga qabsoomay, sida waxbarashada, cadaaladda iyo dastuurka,” ayuu yiri Rooble.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo Ra’iisul wasaaraha ka sagootiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ayaa sheegay intii uu joogay Ra’iisul wasaaruhu inay fursad badan u heleen inay iska wareystaan xaaladda guud ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gabal dhicii gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka soo ambabaxay magaalada Garowe, halkaas oo uu ka soo raacay diyaarad, waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, xubno ka kala tirsan goleyaasha Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu wadaa inuu kulamo la yeesho madaxda maamulka Galmudug, isla markaana uu kala hadlo arrimaha doorashooyinka dalka oo muran badani uu hareeyey.

Hoos ka Daawo

https://www.facebook.com/dalsantv/videos/216902076599172

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here