Daawo Wasiir Saleebaan Koore oo si heer sare ah Kilinka 5aad loogu soo dhoweeyey

Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo galabta booqasho 3 maalmood ahi uga bilaabantay ayaa si heer sare ah Kilinka 5aad loogu soo dhoweeyey.

Soo dhoweynta Wasiir Koore ayaa waxaa ka qayb qaatay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia, lataliyeyaasha Madaxweynaha Kilinka 5 aad, Maayarka Tog Wajaale iyo Masuuliyiin kale.

Weftiga Wasiirka waxaa ka mid ah Xildhibaan Hanad iyo Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ah Golaha degaanka Caasimadda Hargeysa, Wasiir hore Yuusuf Garas, Gudoomiyaha Hayada SVO Abdikarim Said Aw Cabdi, iyo Xeeldheereyaal dhanka Biyaha.

Wasiirka ayaa masuuliyiinta Dawlad degaanka Soomaalida kala hadli doona xal u helida dhibaatada Biyaha ee degaamada labada dal ee xuduuda ku teedsan, taas oo saameysay shacabka labada dhinac oo reer guuraa u badan.

DAAWO:

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.