Daawo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea oo Hargeysa tegay

muuse wad eritrea

 Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea iyo wafdi uu hoggaaminayo oo aan horey loo shaacin ayaa maanta oo ka degay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland.

Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magalada Hargeysa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka  Soomaaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici ,waxaana intaasi kadib la geeyey Xarunta Madaxtooyada Soomaaliland ee Magalada Hargeysa.

Wafdiga wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa loo galbiyay Madaxtooyada, halkaasoo wada hadalo kula yeelan doono Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka warfafainta Eritrea, Yemani Meskel ayaa qoraal uu twitter soo dhigay ku sheegay in safarka wasiirka uu qeyb yahay dadaallada lagu xoojinayo nabadda gobolka.

Tan iyo markii uu heshiis dhex maray dalalka Itoobiya iyo Eritrea, oo u dhaxeeyay colaado socday muddo labaatan sano ah, ayaa waxaa isa soo taraya dhaq-dhaqaaqyada Eritrea ka waday gobolka, iyadoo si tartiib tartiib uga soo baxeysay go’doonkii ay muddo labaatan sano ku jirtay.

Is-bedelada ka socda Gobolka Geeska Afrika ee hormuud uu ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo loolanka Juquraafiga Siyaasadda ee Gobolka ayaa loo arkaa mid xilligan saameyn weyn yeelanaya, marka loo eego xaaladaha ka jira Gobolka, gaar ahaan dalalka kulaala Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.