Dad rayid ah oo lagu laayay dalka Itoobiya

ethiopia map

Ugu yaraan 15 qof oo rayid ah ayaa la dilay ka dib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen gaari Bas ah oo ay saarnaayeen gobolka Oromiya ee dalka Itoobiya.

Gaariga siday dadkani la laayay ayaa waxaa uu ka soo baxay magaalo yar oo lagu magacaabo Bure, oo ka tirsan gobolka Amxaaradda.

Raggan hubeysan ayaa waxay gaarigan ku joojiyeen degmada Amero ka dib-na waxay ku fureen rasaas, sida ay sheegeen booliiska deegaankaasi.

Booliiska ayaa waxay weerarkan ku eedeeyeen kooxda mucaaradka ee, Oromo Liberation Army (OLA).

Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo imika ka soo baxay jabhadda OLA, balse kooxdan ayaa horey u diiday eedeyma loo soo jeediyay oo aha in ay dad rayid ah dileen.

Kooxdan OLA ayaa ah garab hubeysan oo horey uga go’ay jabhadada Oramada ee (OLF), oo imika ah mid ka mid ah xisbiyada mucaaradka ee ugu wayn gobolka Oramiya.

Taliyaha booliiska deegaanka uu weerarka ka dhacay Berhanu Yebasa, ayaa telefishinka dalka Itoobiya u sheeegay in ay jiraan dad kale oo ay dhaawacyo soo gaareen.

Horraantii todobaadkan 5 qof ayaa lagu dilay qeybo kala duwan oo gobolka Oramiya ka tirsan ka dib markii gaari ay la socdeen ay weerareen rag hubeysan oo aan heebtooda la aqoon.

Weeraradan ayaa ku soo beegmaya xilli ay isku dhacyo dhexmareen qowmiyadda Oramada iyo Amxaarada oo ay dad badan ku dhinteen.

Arrintan ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda oo lagu eedeeyay in ay ku guuldareysatay xaqiijinta sugidda ammaanka dadka rayidka ah.

Dalka Itoobiya aya lagu wadaa in muddo 5 todobaad ay inaga xigto ay ka dhacdo doorashada guud, balse dhibaatada amni darada ee ka imanaysa kooxaha hubeysan iyo isku dhacyda qowmiyada ayaa laga cabsi qabaa in dorashada ay carqaladeyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here