DADKA AWDAL STATE OO CAGTA SAARAY DARIIQII SSC EE GOBANIMADA IYO MIDNIMADA SOOMAALIYEED

awdal state flag

Xilli shacabka Soomaaliyeed ay indhaha ku hayo xaaladda siyaasadeed ee Goboladda Awdal, Salal iyo Gebilay oo la filayo inay aayahooda ka tashadaan oo noqdaan Maamul Goboleed Soomaaliya ka tirsan sida maamulka SSC- Khaatumo ayaa waxaa si weyn isu soo taraya guuxa iyo cadhada xarkaha goosanaysa ee shacabka, dhalinyaradda Jamaahiirta iyo siyaasiyiinta.

Wasiirka Maalgashiga Somaliland Cabdi Cismaan Dhago-wayne ayaa meel faragaare ah ka yiri “Reer Sool way-tageen, anaguna dawlada difaaci mayno ee dadkayagaanu la dareenahay‚Äú. Sidoo kale dhalinyaradda ayaan qarsanin dareenkooda ku aadan inay aayahooda ka tashadaan oo yeeshaan Maamul Goboleed Soomaaliyeed.

Shacabka Dawlada SSC-KHAATUMO iyo maamulkooduba waxay taageero buuxda oo walaaltinimo iyo Soomaalinimo isla garab taagayaan walaalahooda Gadabuursi, waxayna soo dhoweynayaan talaabo kasta oo ay maamul ku sameysanayaan degaamadda Awdal, Salal iyo Gebilay, sidoo kale waxaa maamul Beeleedka Muuse Biixi looga digayaa inuu ishortaago rabitaan shacab, si dhiig daada looga baaqsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here