DADKII IYO HANTIINA MIDNA LAMA BADBAADIN (XIL.CABDI QAWDHAN)

cabdiqawdhan5

Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame oo ka mid ah Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si adag u dhaliilay hoos u dhaca ku yimid amaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo soo ka hadlay dhacdadii Hoteel Xayaat ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay sidii loo maamulay, isagoo sheegay inaan dadkii la badbaadin oo deg deg loogu gurman, hantiidiina la badbaadin.

Wuxuu yiri “markii hore dadkii la badbaadin oo waqti badan baa la siiyey, markii dambena hantidii baa la burburiyey”.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa dawladda ugu baaqay inay xooga saarto amaanka oo joojiso waxyaabaha kale ee ay isku mashquulinayso.

Hadalka Xildhibaanka ayaa imana xili ay caasimada Soomaaliya wajahayso cabsi amaan oo xoog leh.

Daawo hadalkii Xildhibaan Cabdi:

https://www.facebook.com/watch?v=1156682598250355

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here