Dagaal duleedka Baardheere dhex-maray Ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab

ciidamada somalia

Wararka laga helayo degmada Baardheere  ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal culus uu duleedka degmadaas ku dhex-maray Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerareen fariisin ay duleedka Baardheere ku leeyihiin Ciidanka Dowladda, waxaana dadka degmada Baardheere ay sheegeen in dagaal ka dhacay halkaasi uu geystay khasaaro dhaawac ah balse ilaa iyo hadda aysan faah faahin karin

Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka ay sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada Itoobiya oo ku sugan qeyb kamid ah Saldhiga la weeraray, Isla markaana tiro madaafiic ah ay rideen intii uu dagaalka socday.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, Isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Wararkii ugu dambeeyey ee saaka aan ka heleyno degmada Baardheere iyo tuulooyinka hoostaga ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay halkaasi ka wadaan howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here